Ra’iisal Wasaaraha Somaliya Xasan Cali Khayre, ayaa goor dhaw wuxuu gaaray Garoonka Diyaaradaha degaanka Balli-doogle oo ka tirsan Gobolka Shabellaha hoose.
Xasan Cali Khayre, ayaa waxaa la socda xubno ka tirsan Wasiirada Xukuumadda iyo Saraakiisha ciidamada, isaga oo halkaasi u tagay sidii uu u dhiiragelin laha ciidamada Xoogga dalka Somaliya.
Wararka ayaa sheegaya in Ra’iisal Wasaaraha uu la kulmi doono Saraakiisha ciidamada iyo ciidanka loo diyaariyay hawlgalka ka dhanka Al Shabaab ee Gobolka Shabellaha hoose.
Xasan Cali Khayre ayaa shalay sheegay ciidanka inuu ku dhiiragelin doono inay qabsadaan Magaalooyinka Shabaab ay maamulaan oo ay ugu horeyso toora toorow.
Ciidanka Xoogga dalka Somaliya ayaa lagu diyaariyay Xerada ciidanka Balli-doogle oo ay ku sugan yihiin ciidan Mareykan ah.



