DHAGEYSO: Dagaalyahano ka tirsan Daacish oo isku dhiibay Puntland

Madaxweyne ku xigeenka maamulka Puntland Cabdixakiin Cabdullaahi Cumar Camay ayaa  sheegay in ay gacanta ku hayaan dhalinyaro kasoo goosatay Kooxda Daacish ee ku sugan gobolka Bari.

Tirada dagaalyahanada kasoo goostay Daacish ayuu sheegay Camay in ay gaarayaan 20 qof.

Madaxweyne kuxigeenka ayaa waxaa uu sheegay in dhalinyaradaasi ay go’aansadeen in ay ka baxeen Kooxda ,islamarkaana markii ay kasoo tageen ay soo daba galeen  ayna ka dileen 5 ka mid ah.

Sidoo kale waxaa uu tilmaamay in hadda ay gacanta ku hayaan 15

Dhankale Madaxweyne ku xigeenka maamulka Punland ayaa waxaa uu sheegay in ay adag tahay in laga adkaado Kooxda Daacish ee ku sugan degaanada maamulka Puntland , maadaama ay jooggaan dhul buuraleey ah.