Rag loo heysto inay dilal ka geysteen magaalada Jowhar oo Maxkamad la horkeenay

Maxkamada Ciidmada Qalabka sida qeybta 27aad ayaa maanta u fariisatay dhageysiga Dacwad ciqaabeed loo heysto 5 Eedeysane oo lagu soo eedeyay in Dilal ay ka geesteen Magaalada Jowhar.

Eedeysanaha koowaad oo lagu magacaabo Cabdullaahi Xuseen Duurdage ayaa xeer ilaalinta Maxkamadda ciidamada  ay sheegtay in 17-kii Bishii 3-aad ee sanadkii 2020 uu dil uu u geysteen Askari katirsan Ciidamada Booliska Hir-Shabeelle.

Eedeysanayaasha labaad iyo Saddexaad oo lagu kala magacaabo Xasan Yuusuf ibraahim oo kamid ahaa Booliska Hir-Shabeelle iyo Najiib Aadan Axmed Xaaji inay dileen marxuumiinta kala ah Cabdiraxmaan Sheekh Cismaan iyo Cali Shariif.

Halka Xasan Maxamed Qaareey & Maxamed Cabdinuur Xiireen lagu soo eedeeyay inay tooreey kudileen Maxruum Maxamed Cismaan Baroow, sida ay ku eedeysay Xeer ilaalinta Maxkamadda Ciidamada qeybta 27aad.

Markii ay furantay maxkamadeynta 5 ruux ayaa waxaa dood adag ay dehx-martay Xeer ilaalinta Maxkamadda Ciidamada qalabka sida qeybta 27aad & qareenada u doodayay eedeysanayaasha.

Guddoomiyaha Maxkamada Ciidmada Qalabka sida qeybta 27aad  Gaashaanle Maxamed Amiin Cabdulle oo fadhiga Maxkamadda soo xiray ayaa sheegay inay soo geba-gabeeyeen dacwadda kiisaskaan dilka ah, isla markaana go’aan ay kasoo saari doonaan.