R.W. ku xigeenka oo baaq u diray Guddomiye ku xigeenada

Muqdisho-RisaalaFM- Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka dalka ahna Xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka Mudane Maxamed Cumar Carteh ayaa hambalyo u diray labada Gudoomiye Ku-Xigeenada ee Baarlamaanka oo shalay lagu doortay Xarunta Golaha Shacabka.

Mudane Carteh ayaa Mudane Cabdiweli Ibraahim Sheekh Muudey iyo Mudane Mahad Cabdala Cawad kula dar-daarmay in ay si hufan u gutaan masuuliyadda la saaray.

“Gudoomiye Ku-Xigeenka 1-aad iyo Gudoomiye Ku-Xigeenka 2aad ee Golaha Shacabka ee ku guuleystay in ay helaan kalsoonida Xildhibaanada, waxa aan kula dar-daarmayaa in aanay dayicin codka Xildhibaanada oo si daacadnimo ah u gutaan waajibaadkooda”.

Ugu dambeyn, Mudane Maxamed Cumar Carteh ayaa dhamaan Xubnaha Baarlamaanka uga mahadceliyay sida ay uga go’antahay in doorashooyinka dalka ay si xasiloon ku soo dhamaato.