Jowhar-RisaalaFM- Sida ay Risaala u sheegeen Mas’uuliyiin ka tirsan Baarlamaanka Maamulka Hirshabeelle khilaaf ayaa soo kala dhexgalay xildhibanaanada Baarlamaanka iyo waliba Guddoonka Baarlamaanka Hirshabeelle.
Xildhibaanada Baarlamaanka Hirshabeelle ayaa Madaxda Maamulka Hirshabeelle waxa ay ku eedeeyeen in ay u soo wareegeen Magaalada Muqdisho, oo ay gabeen shaqadii Maamulkaasi.
Maxamed Yuusuf Colow oo ka mid ah Baarlamaanka Hirshabeelle oo la hadlay Idaacadda Risaala ayaa waxa uu sheagay Madaxweynaha Hirshabeelle iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka in ay u soo wareegeen Magaalada Muqdisho, ayna iska ilaaween wax qabadkii Maamulka.
Waxa uu sheegay xildhibaanka in looga yeeray xildhibaanada Hirshabeelle in ay yimaadaan Muqdisho, si ay halkan kulamo ugu yeeshaan, taasina ay tahay mid qalad ah, maadaama caasimadda Maamulka Hirshabeelle ay tahay Magaaalada Jowhar.


