R.W Kheyre oo maanta lagu wareejinaayo Maxaabiis Soomaali ah

Sida ay xaqiijiyeen Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya waxaa lagu waddaa in maanta Xabsi ku yaalla dalka Itoobiya laga siidaayo Maxaabiis aad u fara badan oo Soomaali ah , kuwaa soo muddo badan ku xirnaa dalka Itoobiya.

Siideynta Maxaabiistaan ayaa timid ka dib Markii ay heshiis wadda gaareen dowladaha Soomaaliya iyo sidoo kale Itoobiya.

Tirada Maxaabiista ayaa lagu soo waramaya in ay kor u dhaafayaan ilaa iyo 100 ruux oo qaarkood muddo dhowr sano ah ay ku xirnaayeen dalka Itoobiya.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya mudane Xasan Cali Kheyre oo ku sugan Magaalada Addis Ababa ayaa lagu waddaa in lagu wareejiyo Maxaabiistaasi.