Raiisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharmarke ayaa cambaareeyey weerarkii lagu dilay Taliyihii Guutada saddexaad ee ciidanka xoogga dalka Soomaaliya Jen, Maxamed Rooble Jimcaale oo loo yaqaanay Goobaale. Wuxuna Tacsi u direy qoyskii uu ka baxay Marxuum iyo guud ahaan Ciidamadda Xoogga dalka oo ka tirsanaa Marxuumku. Ra’iisul Wasaaraha waxa uu MARXUUMKA ku tilmaamay Halyey Qaran oo kaalin adag ku baneeyey ILLAAHAY-NA waxa uu MARXUUMKA uga baryayaa inuu naxariistii Janno ka waraabiyo, Ciidamada Xoogga , Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo Dhammaan shacabka Soomaaliyeed ee uu ka baxayna Samir iyo Imaan ka siiyo. In-Naa Lillaahi Wa In-Naa Ilayhi Raajicuun.” ——-DHAMMAAD——- |
Radio Risaala broadcast online 24 hours a day, seven days a week. Radio Risaala brings you the friendly voices of the community. As a community station, We also have religious programs, sport, local news and interviews etc.


