Qoysas horleh oo ka barakacay xaafado ka tirsan Magaalada Beledweyne

Webiga Shabeelle ayaa xalay ku fatahay  Xaafado ka tirsan magaalada Beledweyne ee Xarunta gobolka Hiiraan, kadib roobab xooggan oo Magaaladaas ka da’ay.

Boqolaal Shacab ah oo  deganaa xaafadaha Webiga uu ku fatahay ayaa bilaabay  in ay ka baracakacaan Xaafadaha  iyagoo u barakacay dhulka taagga ah ee ka fog goobaha fatahaadda.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dhowaan soo saartay digniino ku aaddan in shacabka ka fogaadaan goobaha biyo mareennada iyo toggaga sababo la xiriiro cabsi laga qabo roobab wato dabeylo iyo daadad.