Ciidanka Booliska oo xiray Nin lagu Eedeeyay in uu u gafay Garsoorka

Ciidanka Booliiska Gobalka Banaadir gaar ahaan Saldhigga Boliiska Dagmadda Waabari ayaa soo xiray Eedeysane Mascuud Cabdullaahi Afrax (Garweyne).
War kasoo baxay Booliska ayaa waxaa lagu sheegay in
Eedeysanaha uu u gafay Garsoorka Dalka waxba kama jiraana ku tilmaamay xukunno kasoo baxay Maxkamaddaha Dalka.
Ninka Odayga ah ayaa Caan ka ahaa Baraha Bulshada, isaga oo Tv-yada uga hadli jiray aragtidiisa qodobkii markaas taagan, waxaana uu dhawaan si kulul uga hadlay kiiska xukunkii lagu riday Sayid Cali Macalin Daa’uud.