Qoysas ay soo barakiciyeen Ciidamada liyuu Boolis oo soo gaaray Hiiraan

Maamulka degmada Feer-feer ee gobolka Hiiraan ayaa soo dhaweeyay, isla markaana  dib u dajin u sameeyay Qoysas ay Ciidamada Liyuu Boolis kasoo bara kiciyeen deegaanno iyo degmooyin kamid ah gobolka Shabeelle ee Dowlad degaanka Soomaalida.

Qoysaskaan ayaa waxaa ay sheegeen qaarkood inay u  dul qaadan waayeen beegsiga salka ku haaya aano qabiil iyo dhibaayooyin kale oo ay sheegeen in shaarka dowladda loogu geystay

Sidoo kale waxaa ay sheegeen in Ciidanka liyuu Boolis ee dowlad degaanka Soomaalida ay kala kulmeen dhibaatada ugu daran taasi oo keentay inay kasoo barakacaan degaannadooda.

Qoysaskaan kasoo barakacay degaano ka tirsan dowlad degaanka Soomaalida ayaa waxaa ay wajahayaan xaalado dhanka Nolosha ah, waxaana ay sheegeen in weli dhibaatooyinkii soo gaaray aysan iloobin.

Degaano ka tirsan Maamulka dowlad Degaanka Soomaalida ayaa waxaa kajira dagaalo salka ku haayo Colaad Beeleedyo, kuwaas oo ay dad ku dhinteen , kuwa ay ku dhaawacmeen halka Boqolaal qoys ay ka barakaceen.