Qorsho looga hortagayo fatahaada oo ka socda Beledweyne

Sanadkan ayaa ugu curtay reer Baladweyne mid ka saameyn yar sanadkii hore iyadoo ay bulshada deegaanku ay siyaabo kala duwan qeyb uga nooqdeen dadaallo lagu dhimayay wax yeelidda biyaha ay deegaankooda. Dowladda Soomaaliya iyo Dowladda deegaanka ayaa siyaabo kala duwan qeyb uga ahaa gurmadka biyaha xal loogu helayo.

culimada, wax garadka, ganacsato iyo guud ahaan qeybaha kala duwan ee bulshada ayaa siisku tashi ah u jideystay hannaan ay xoog iyo xoolaba ku mieynayaan, iyagoo markaasi magacaabay Guddi ka shaqeeya arrimaha Fatahaadaha oo ay laf-dhabar ka yihiin Ganacsatada degaanka iyo qurba-joogta.

Eng. Cabdirashiid Cali Cumar (Foodeey) oo ah shakhsiga gacanta ku haya arrimaha farsamada iyo xakameynta biyaha ayaa sheegay in haatan ay meel fiican mareyso xakameynta biyaha Webiga shabeelle.

Cabdirasiid waxaa uu sheegay in ay bixiyeen dadaallo wax ku ool ah oo dhimmay qasaaro badan oo dhici lahaa, isla markaana waxaa uu rajo wanaagsan ka muujiyay in dhawaan ay xal kama dambeys ah u heli doonaan, isagoo ugu baaqay bulshada deegaanka in ay gacan kusiiyaan shaqada ay deegaanka u hayaan.