Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa ka qeybgalaya Shirka Dowladda Federaalka ah iyo Dowladdaha Xubnaha ka ah iyo Maamulka Gobolka Banaadir oo Maanta ka furmay xarunta Madaxtooyada Soomaaliya.
Afhayeenka ahna Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada Puntland, Jama Deperani ayaa ka warbixinayay kulanka ayaa sheegay in looga hadlay arrimo la xiriira xaalada siyaasadeed ee dalka sigaar ah doorashaada Soomaaliya.
Waxaa uu sheegay in Puntland ay mar waliba dadaal joogto ah ku bixiso arrimaha doorashada, isla markaana shirkaan oo maalmo socon doono ay kasoo bixi doonto in la qabto doorasho la isku raacsan yahay.
Furitaanka shirka waxaa ka qeyb galay Madaxweyneyaasha Dowlad Goboleedyada, Hirshabeelle Mudane Maxamed Cabdi Waare, Koonfur-Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed, Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Dani, Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cumar Maxamuud Maxamed.



