Ciidamo ka tirsan kuwa Dowladda Soomaaliya ayaa waxaa ay bilaabeen tallaabooyin lagu sugayo Amniga Injineerada Turkiga ah ee wada dhismaha Wadada xiriirisa Muqdisho iyo Afgooye.
Dhowr weerar oo qaraxyo ah ayaa waxaa lagu diley laguna dhaawacay Injineero Turki ah iyo Ciidamo ka tirsan dowladda oo ilaalinayey,waxaana taasi ay keentay cabsi soo wajahdey Injineerada.
Ciidamada Dowladda ayaa shalay bilaabey qorsho lagu sugayo Amniga Injineerada gacanta ku haya dhismaha wadada xiriirisa Magaalada Muqdisho iyo Degmada Afgooye,iyaga oo xirey wadooyinka soo gala wadadaas.
Wararka Risaala ay heleyso ayaa waxaa ay sheegayaan in Ciidamada dowladda ay dhagxaan waaweyn ku xireen wadada jidcadayaasha ah & kuwa qarda-jeexa ee soo gala laamiga uu dhismaha ka socdo si looga hortago weerarada iyo qaraxyada Al-Shabaab.
Saddexdii todobaad ee ugu dambeysay ayaa waxaa laba weerar oo ismiidaamin ahaa lagu qaadey Injineero Turki ah,kuwaas oo kasoo gaarey khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah.
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa shalay la kulmey Maamulaha Shirkadda Dhismaha Enez,isaga oo u balan qaadey in amnigooda la sugi doono.



