Weli waxaa laba ciidan ay isku hor-fadhiyaan Safaaradii hore ee Itoobiya ee degmada Shangaani,halkaas oo shalay Guri ku yaalla uu dagaal khasaaro geystay ku dhexmarey Ciidamo ka wada trsan kuwa Dowladda Soomaaliya.
Guriga oo ay leeyihiin dad Shacab ah ayaa,iyaga oo la hadlayay Warbaahinta waxaa ay sheegeen in gurigooda si awood ah looga heysto,isla markaana dowladda ay ugu baaqeen inay soo farageliyaan arrinta taagan Gurigoodana lagu so wareejiyo.
Qof kamid ah dadka ku nool agagaarka Xarunta Visha Taraafiko oo uu ku yaallo Guriga la isku heysto ayaa sheegay in gebi ahaanba dadkii deganaa Guryaha u dhow Guriga lagu dagaalamey ay qaxeen.
Waxa uu sheegay in weli Goobihii lagu dagaalamey ay labada ciidan isku hor-fdhiyaan,isla markaana dadkii deganaa ay cabsi darteed uga carareen.



