Hay’adda Dhallaanka ee UNICEF iyo Hay’adda Caalamiga ah ee Socdaalka ee IOM ayaa waxa ay sheegeen in dhallaanka ka imaanaya dalalka ka hooseeya Saxaraha Afrika ee marka ay u socdaan Yurub soo mara Liibiya ay u badan tahay in tacaddiyo loo gaysto.
Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in carruurta u dhalatay dalalka ka hooseeya Saxaraha Afrika ay yihiin kuwa ugu nugul dhammaan muhaajiriinta iskudayaysa inay Yurub ka galaan dalalka Liibiya iyo Turkiga.
Hay’adaha caalamiga ah ayaa waxaa u suuragalaysa inay soo uruuriyaan xogta ku saabsan cidda khatarta ugu badan wajahda, maadaama ay sii socdaan mowjadahan muhaajiriinta.
Waxaanse layaab lahayn in carruurta ay da’doodu u dhaxayso 14 ilaa 17 sano ay yihiin kuwa ugu nugul, haddii canugu uu kaligii socdaalayo oo uu misana ka yimid dalalka ka hooseeya Saxaraha Afrika waxaa sii badanaysa dhibaatada soo foodsaari karta.
Qoraaga warbixintan ayaa hoosta ka xariiqay farqiga u dhaxeeya labadaasi waddo, isagoo sheegay in midab kala soocu uu dhibaatada dowr muhiim ah ka ciyaarayo.
Heerarka ka ganacsiga dadka, xariga aan sababta lahayn iyo shaqaalaynta khasabka ah ayaa si weyn ugu baahsan dalka Liibiya.
Socdaalka halkaasi loo galo ayaa ah kuwo dhaadheer oo khatar badan, midab takoorka iyo naceybka ajaanibta ayaana ku soo kordhaya dalalka Liibiya iyo Talyaaniga.



