Qatar-RisaalaFM- Dowladda Qatar ayaa sheegtay in ay xoojineyso dib u dhiska Ciidanka, Qalabeynta Ciidanka iyo sidoo kale horumarada xagga Difaaca ee Ciidamada, kadib markii Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed uu halkaasi kulan kula qaatay dhigiisa Dalka Qatar iyo Mas’uuliyiin kale.
Taliyaha Ciidanka Booliska Dalka Qatar Xamad Bin Jaazim Bin Xamad ayaa sheegay Dowldda Qatar in ay gacan ka geysan doonto dib u dhis ballaaran oo lagu sameeyo xarunta Wasaaradda Difaaca Soomaaliya iyo xoojinta ammaanka Xeebaha Dalka.
Xamad Bin Jaazim Bin Xamad Taliyaha Ciidanka Booliska Dalka Qatar ayaa sidoo kale sheegay in Dowladda Qatar ay wado qorshe tababaro lagu siinayo Ciidamada Xoogga Dalka iyo in ay ka taageeraan dib usoo nooleynta hantidii uu lahaa Ciidanka Xoogga Dalka.
Dhank kale Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Gen. Maxamed Sheekh Xasan Xaamud ayaa Dowladda Qatar uga mahad celiyay taageerada ay siinayaan Dowladda Soomaaliya.
Safarka Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Maxamed Sheekh Xasan Xaamud uu ku tagay Dalka Qatar ayaa ka mid ah safaro maalmihii u dambeeyay uu ku tagayay Dalal ku yaalla Qaaradaha Yurub, Asia iyo Afrika.


