Ciidamada Ammaanka degmada Wadajir ayaa gacanta ku dhigay iyaga iyo hubkoodaba laba nin oo xaafadda Xaawo Taako ee degmadaasi ku dilay Nabadoon lagu magacaabi jiray Nabadoon Hilowle Xaafow, xilli uu ka soo baxayey Masaajid ku yaalla xaafadaasi.
Goobta uu falka ka dhacay ayaa waxaa gaaray guddoomiyaha gobolka Banaadir iyo Taliyayaasha hay’adaha ammaanka ee gobolka iyadoo kooxihii dilkaasi geystay iyo hubkoodaba ay la wareegeen Ciidammada Ammaanka.
Gudoomiyaha Degmada Wadajir Axmed Cabdulle Afrax oo la hadlay Idaacadda Risaala ayaa arrimahaasi inooga waramay.


