Ugu yaraan 20 qof ayaa dhimatay 50 kalena dhaawac ayaa soo gaaray ka dib markii Qarax loo adeegsaday gaari waxyabaaha Qarxa laga soo buuxiyay uu ku qarxay Banku ku yaalla Magaalada Lashkar Gah ee Caasimadda gobolka Helmand ee dalka Afghanistaan.
Qaraxa ayaa ka dhacay xarunta Bankiga Kaabul uu ku leeyahay halkaasi , waxaana socotay Markii Qaraxu ka dhacayay bixinta Mushaarka Ciidamada dowladda.
Omar Zwak oo ah Afhayeenka gobolka Helmand ayaa Saxaafadda u sheegay in dadka dhintay ay isugu jiraan Saraakiil Ciidan , Shacab iyo shaqaalaha Bankiga qaarkood.
Bishii lasoo dhaafay ayaa qarax nuucaan oo kale uu ka dhacay gobolka Helmand , waxaana ku dhintay 30 qof.



