Faah faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax miinada nooca dhulka lagu aaso ah oo geystay khasaaro kala duwan, kaas oo Ciidamo ka tirsan kuwa Itoobiya lagula eegtay duleedka degmada Ceelbarde ee Gobolka Bakool.
Wararka ayaa waxaa ay sheegayaan in Kolonyo ka tirsan ciidamada Itoobiya oo kusoo wajahnaa degmada xudur ee Xarunta gobolka Bakool ay ahaayeen Ciidamada qaraxa lala eegtay,waxaana goobjoogayaal ay sheegeen in meel u dhow degmada Ceelbarde lagu qarxiyay Ciidamada.
Ilaa iyo hadda si cad looma oga khasaaraha dhimasho iyo midka dhaawac ee qaraxaasi ka dhashay,hayeeshee Al-Shabaab ayaa warar ay ku daabaceen Baraha Internet-ka waxaa ay ku sheegteen in mid ka mid ah gawaarida Ciidamada Itoobiya ee Uuraalka loo yaqaano ay ku gubeen qaraxaas.
Saraakiisha Ciidamada Itoobiya ee ku sugan Gobolka Bakool iyo kuwa Dowladda Soomaaliya dhankooda weli kama hadlin qaraxaas,waxaana uu kusoo aadaya xilli degmada Xudur ay ku sugan yihiin Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan & Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Cabdi Casiis Xasan Maxamed (laftagareen)



