Dowladda oo ka hadashay qarixii Maanta ka dhacay Muqdisho

Hay’adda  Nabad-sugida iyo sirdoonka Qaranka ayaa ka hadashay gaarigii laga soo bixiyay waxyaabaha qarxa ee Maanta ku qarxay agagaarka Isgoyska Digfeer ee degmada Hodan gobolkan Banaadir.

War kasoo baxay hay’adda oo lagu daabacay barta twitter-ka NISA ayaa lagu sheegay in Ciidamada Ammaanka ay fashiliyeen gaariga qaraxa siday,isla markaana uu qarxay, iyada oo aan cidna waxba ku noqon.

 “Ciidanka Amniga ayaa fashiliyay Gaari Walxaha Qarxa laga soo buuxiyay, Cidana waxba kuma noqon,” ayaa lagu yiri war ka soo baxay hay’adda Sirdoonka Qaranka NISA.

Hay’adaha Ammaanka Dowladda Soomaaliya ayaa horay dhowr jeer u sheegay inay fashiliyeen qaraxyo lala damacsanaa in laga fuliyo Magalada muqdisho,waxaana qaraxyadaas inta badan mas’uuliyadooda sheegta Ururka Al-Shabaab.