Qarax lagu weeraray Hoteel ku yaalla Gaalkacyo

Qarax xooggan ayaa daqiiqado kahor lagu qaaday mid kamid ah Hotelada kuyaala gudaha magaalada Gaalkacyo, gaar ahaana dhanka Koonfureed, waxaana la xaqiijiyey in qaraxa loo adeegsaday baabuur laga soo buuxiyey waxyaabaha Qarxa.

Goobta uu Qaraxu ka dhacay ahaa waxaa ku sugnaa Saraakiil ka tirsan Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed.

Rasaas xoog leh ayaa wali laga maqlayaa ku dhawaad 20 daqiiqo aaga oo dhan, waxaana rasaasta ridaya ciidamada Amniga oo diidan in goobtaas loo dhawaado, waxaana khasaare kasoo gaaray dad badan oo kusugnaa gudaha hotelka iyo banaanka u dhaw.