Qarax Miino oo nooca dhulka lagu aaso ah ayaa goordhow ka dhacay isgooska Taleex ee degmada Hodan ee Magaalada Muqdisho.
Qaraxa ayaa si gaar ah uga dhacay ka soo horjeedka Maqaayada Crems.
Goobta uu Qaraxu ka dhacay ayaa waxaa maraayay dad Shacab ah iyo gaadiid sida ay Risaala u xaqiijiyeen goobjoogayaal.
Wararka qaar ayaa sheegaya in Qaraxa goobta uu ka dhacay uu marayay Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Amniga Cabdinaasir Saciid Muuse.
Waxaa ka dhashay Qaraxa Khasaare dhaawac ah sidda ay inoo sheegeen dad ku sugnaa goobta uu Qaraxu ka dhacay.



