Madaxweynaha Iiraan Hassan Rouhani ayaa sheegay in 25 milyan oo reer Iiraan ah uu ku dhacay cudurka loo yaqaan ‘coronavirus.
Waxaa uu sidoo kale sheegay in 35 milyan oo kale ay halis ugu jiraan qaadista cudurka.
Ururka Caafimaadka Adduunku waxa uu soo sheegay in ay kor u kacday tirada kiisaska coronavirus-ka adduunka, iyada oo wadarta ay sare u kacday 237,743 muddo 24 saac ah.
Cudurka loo yaqaan ‘coronavirus’ ee dalka India ayaa kor u kacay hal milyan, iyadoo Mareykanka iyo Brazil ay yihiin dalal kale oo keliya oo qaba cudurro badan.
In kabadan 14 milyan oo dad ah oo ku kala nool daafaha dunida ayaa laga helay COVID-19, halka inka badan 7.8 milyan ay soo kabsadeen in kabadan 600,000na ay dhinteen, sida lagu sheegay xogta jaamacadda Johns Hopkins.



