Qarax khasaare geystay oo ka dhacay gobolka Gedo

Wararka inaga soo gaaraya degmada Baardheere ee gobolka Gedo ayaa waxa ay sheegayaan in qarax lala beegsaday mootada loo yaqaano mooto Bajaajta.

Waxaana la sheegay in qaraxaasi uu ku dhintay hal qof halka labo kalena ay ku dhaawacmeen.

Dadkii ku dhaawacmay qaraxa ayaa waxaa loola cararay isbitaalka magaalada magaalada Baardheere , iyadoo dadkii ku waxyeeloobay qaraxa dhamaantood ay ahaayeen dad shacab ah.

Dad goob joogayaal ah ayaa inoo sheegay in qaraxa markii uu dhacayay ay aheyd xilli mashquul fara badan uu jiray.

Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa waxa ay howlgallo ka sameeyeen goobta ay wax ka dhaceen, waxaana ay sheegeen in dib ay ka soo gudbin doonaan faah faahinta rasmiga ah.

Degmada Baardheere ee gobolka Gedo ayaa dhowaanahan waxaa ka socday howlgallo amni xaqiijin ah.