Qarax ka dhacay Muqdisho oo lagu dhaawacay Sarkaal Boolis ah

Muqdisho-RisaalaFM- Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya Qarax Gaari oo casir liiqii maanta ka dhacay xaafada Afasiyooni ee degmada Waaberi ee gobolka Banaadir, sida ay inoo sheegeen dad goobjoogayaal ah.

Qaraxan ayaa Gaarigiisa loogu xiray sarkaal Boolis ah, kaasi oo ka shaqeeya Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, sida uu Risaala u sheegay sarkaal ka tirsan Garoonka.

Sarkaalka ayaa dhaawac culus uu ka soo gaaray Qaraxa loogu xiray Gaarigiisa, waxaana loo qaaday mid ka mid ah isbitaalada ku yaalla magaalada Muqdisho, si xaaladiisa caafimaad loo dabiibo.

Maamulka degmada Waaberi iyo Ciidamada ammaanka ayaa waxa ay gaareen goobta uu Qaraxa ka dhacay, waxaana ay halkaasi ka sameeyeen baaritaano, ku aadan Qaraxa dhacay iyo Howlgallo amni xaqiijin ah.

Guddoomiyaha degmada Waaberi Rowdo C/laahi ayaa oo si hoose ula hadashay Risaala ayaa sheegtay in lagu raadjoogo raggii ka dambeeyay weerarkan Qaraxa loo adeegsaday, si cadaalada loo horgeeyo.

Xalay ayay aheyd markii Agaasimihii hore ee Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya C/risaaq Cali Yuusuf Bahlaawi dhaawac uu ka soo gaaray Qarax Miino oo Gaarigiisa lagula eegtay  xaafada Taleex ee degmada Hodan.