Qaraxa oo ahaa miinada nooca dhulka lagu Aaso ayaa waxaa uu ka dhacaya agagaarka Isbitaalka Erdogan Ex-Digfeer oo ku yaalla degmada Hodan ee Gobolkan banaadir,waxaana la sheegay in lala eegtay Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya.
Goobjoogayaal ayaa waxaa ay sheegeen in Gaari nooca loo yaqaano Cabdi bilaha oo ay saarnaayeen Askar ka tirsan ciidamada Dowladda qaraxa miino lagu weeraray,isla markaana ay qaraxaasi ku geeriyoodeen Saddex Ruux oo laba kamid ah yihiin Askartii gaariga saarneyd iyo wada Mooto Bajaaj.
Wararka ayaa waxaa ay intaasi ku darayaan in markii uu qaraxa dhacay ay rasaas farabadan fureen qaar kamid ah Ciidamada saarnaa gaariga qaraxa lagu weeraray taas oo aan geysan wax khasaaro ah.
Halka uu qaraxa ka dhacay oo u dhow Isbitaalka Erdogan Ex-Digfeer ee Magaalada Muqdisho ayaa waxaa gaarey Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya,kuwaas oo muddo xirey wadada walow markii dambe ay dib u fureen.
Al-Shabaab ayaa sheegtay mas’uuliyada qaraxa Maanta ka dhacay Muqdisho,iyaga oo sheegay in qaraxaasi uu ku dhintey Madaxii saadka Guutada 12-ka Apriil ee Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed oo Magaciisa lagu sheegay Magarow.



