Qarax ka dhacay Muqdisho

Muqdisho-RisaalaFM- Sida ay sheegayaan wararka inaga soo gaaraya degmada Kaxda ee Gobolka Banaadir Qarax Miino ayaa galabta ka dhacay gudaha degmadaasi gaar ahaan Waaxda Cumar Fiyaasko.

Qaraxan ayaa nuuciisa ahaa Miino dhulka lagu aaso, waxaana uu qabsaday Gaari Dheyno ah oo wadada marayay, kaasi oo ay saarnaayeen dad safar ah, sida ay inoo sheegeen Hay’adaha ammaanka.

Dadka degaanka ayaa Maamulka degmada Kaxda iyo Saraakiisha ammaanka ku wargeliyay in wadada ay ku aasan tahay Miino, balse inta saraakiisha ay ku guda jireen xirista wadooyinka ayay marqura Miinada la qaraxday Gaariga wadada marayay.

Guddoomiyaha Waaxda Cumar Fiyaasko ee degmada Kaxda Sakariye C/laahi Cilmi oo Qaraxan uu Waaxdiisa ka dhacay ayaa inoo sheegay in Qaraxan ay ku dhaawacmeen ilaa laba qof oo ka mid ah dad safar ah oo saarnaa gaariga qaraxa uu qabsaday

“Waxaa Alle mahadiis ah in khasaare badan uusan geysan qaraxan, marka loo eego waxaa ujeedka uu ahaa in lagu waxyeeleeyo shacab fara badan, Qarax Miino ayuu ahaa gaari dad shacab ah ay saarnaayeen ayuu qabsaday.” Ayuu yiri Gudoomiye Sakariye.

Sidoo kale Guddoomiyaha ayaa sheegay in Ciidanka ammaanka ay ku daba jiraan raggii falkan ka dambeeyay oo uu sheegay in ay a tirsan yihiin xoogaga ururka Al-shabaab, gacantana ay ku soo dhigi doonaan.