Qarax ka dhacay Muqdisho

Qarax ayaa goor dhow ka dhacay magaalada Muqdishu gaar ahaan  degmada Wadajir, waxaana ka dhashay khasaare kala duwan.

Sida ay xaqiijiyeen goobjoogayaal qaraxa oo miino ayaa ka dhacay inta u dhaxeeysa bar kontorool oo laga galo Xalane iyo xerada Jeneraal Gordon.

Goobta uu ka dhacay ayaa ah meel lagu qaado canshuurta dowlada hoose.

Xilliga uu qaraxu dhacayay ayaa goobta waxaa ku sugnaa ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya.