Qarax ka dhacay duleedka Muqdisho

Faah Faahino ayaa ka soo baxaya Khasaaraha ka dhashay Qaraxka dhacay degmada  Garasbaaleey oo ka tirsan gobolka Banaadir.

Qaraxa ayaa waxaa uu ka dhacay Barkoontarool oo Ciidamada NISA ay ku leeyihiin inta u dhexeysa Macaani iyo Tareedishe oo ka tirsan degmada  Garasbaaleey.

Warar ayaa sheegaya in Qaraxa uu ahaa ismiidaamin  waxana uu sababay dhimasho iyo dhaawac , maba jiri war ka soo baxay laamaha Amniga ee looga hadlay khasaaraha ka dhashay qaraxaas.

Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka degmada Garasbaaleey oo ay la xiriirtay warbaahinta Risaala ayaa ka gaabsaday in faah faahin ka bixiyaan khasaaraha ka dhashay Qaraxaas, Alshabaab ayaa sheegatay Mas’uuliyada Qaraxa oo shaaciyeen in ay la bartilmaameedsadeen  Fariisin Ciidamo ka tirsan sirdoonka Soomaliya ay ku leeyihiin degmada Garasbaaleey dhimasho iyo dhaawacna uu ka dhashay. .