Garowe-RisaalaFM- Guddoomiyaha gobolka Nugaal Cumar C/laahi (Faraweyne) oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay Shabaab in ay handadaan ganacsatada Puntland oo ay ku cadaadiyaan in ay ka qaadaan wax uu ku tilmaamay laaluush.
Cumar (Faraweyne) ayaa sheegay Ciidamada Puntland in ay diyaar u yihiin shacabka in ay ka difaacaan Shabaab, oo uu sheegay in mar walba ay isku dayaan in ay dhibaateeyaan shacabka.
Wuxuu sheegay Ciidamada ammaanka in aysan cabsi gelineyn weerarada iyo qaraxyada ururka Al-Shabaab ay ka geystaan degaanada Puntland, ayna iska qaban doonaan.
Sidoo kale Guddoomiyaha gobolka Nugaal Cumar C/laahi (Faraweyne) oo soo hadal qaaday qaraxyadii Af-urur ayaa ka tacsiyadeeyay Askartii iyo shacabkii ku waxyeeloobay qaraxyadaasi.
Al-Shabaab ayaa sheegtay masuuliyadda qaraxyada ka dhacay degaanka Af-urur ee Gobolka Bari, waxaana Shabaab ay sheegeen inay dileen ciidamo badan oo ka tirsan Puntland.


