Muqdisho-RisaalaFM- Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qarax degaanka Ceelaha Biyaha ee duleedka magaalada Muqdisho lagula eegtay Ciidamo ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya, kuwaasi oo saarnaa gaari nuuca dagaalka ah.
Qaraxan oo la sheegay nuuciisa in uu ahaa Miino dhulka lagu aasay ayaa ciidanka waxa uu ku qabsaday agagaarka saldhig ku yaala degaanka Ceelasha Biyaha, waxaana ku geryootay laba qof.
Labada ruux ee geeriyootay ayaa waxa ay ahaayeen dad shacab ah oo wadada dhinaceeda marayay, waxaana ay ku dhinteen firirka ka dhashay qaraxa Miinada ee ciidamada lala eegtay.
Sarkaal ka tirsan ciidamada Dowladda Federaalka ayaa xaqiijiyay ciidamada dhaawacyo inuu ka soo gaaray qaraxaasi, balse aysan jirin dhimasho ka dhalatay qaraxaasi.
Wararka ayaa sheegaya ciidamada qaraxan lala eegtay inay ahaayeen kuwa Militariga ee Shirkada Bancroft ay tababarka siiso, kuwaasi oo Saldhigooda uu yahay degaanka Balidoogle ee Gobolka Shabeellaha Hoose.


