Puntland oo xirtay Masuul katirsanaa Somaliland

Wararka laga helayo Magaalada Baran ee Gobolka Sanaag ayaa waxaa ay sheegayaan in Ciidamada Puntland ay Maanta xireen guddoomiye kuxigeenka maamulka Somaliland u qaabilsanaa  Badhan, Cabdiraxmaan Axmed Muuse Suldaan Suus.

Sababaha ugu weyn ee loo xiray ayaa lagu sheegay in loo soo jeediyay in uu kusoo biro Maamulka puntland kana tanaasulo xilka uu ka haayo Soomaaliland si la mid ah guddoomiyihii Magalada badhan,hayeeshee taasi uu diiday.

Maamulka Puntland ayaa waxaa dhawaan gobolka Sanaag uu ka waday qorsho uu Gobolkaas deegaannada ay ka maamulaan Soomaaliland uu uga soo wareejinayo,waxaana dhinaca Puntland ku biiray Guddoomiyihii Magalada Badhan iyo Taliyihii Ciidamada Soomaaliland ee Aaga Badhan.