Man United oo soo bandhigtay lacagta ay ku dooneyso Paul Pogba

Manchester United ayaan ku heli doonin lacag dhan £ 179million Paul Pogba marka suuqa kala iibsigu dib u furmo bisha Janaayo, sida ay sheegayaan wararka ka imanaya Spain.

Pogba ayaa ku guuldareystay isku day uu ku doonbayay inuu kaga tago Old Trafford intii lagu jiray suuqii xagaaga, iyadoo Real Madrid ay ninka reer France dalab usoo dirtay.

Zinedine Zidane ayaa weli ka go’ansan inuu la soo wareego Pogba iyadoo wargeyska Isbaanishka ee Sport uu shaaca ka qaday in Real ay soo nooleyn doonto xiisihii ay u qabtay kubadsameeyahaan bisha Janaayo.

Si kastaba ha ahaatee, United waxay sii wadi doontaa inay dalbato lacag qaali ah kooxdiisa haddii Pogba uu baxayo suqa kala iibsiga January.

Dooqa koowaad ee United ayaa ah inuu sii haystaan Pogba isla markaana uu saxiixo qandaraas cusub oo waqti dheer ah.

Wakiilka Mino Raiola ayaa wadahadalo la yeeshay United si uu ugala hadlo mustaqbalka Pogba iyo suurtagalnimada heshiis cusub.

Qandaraaska qadka dhexe haatan waxa uu ku egyahay sanadka 2021.

Pogba qudhiisa ayaa doonaya inuu ku biiro Real, waxaana uu rajeynayaa inuu ka tago United sanadka soo socda.

Pogba walaalkiis Mathias Pogba ayaa shaaca ka qaaday isbuucaan in walaalkiis uu xiriir la leeyahay Zidane, isagoo yiri: ogaada waxaan ogahay inuu lahadlay ciyaartoy dhowr ah, laakiin maahan Sergio Ramos. Kumaa? Oh, Lionel Messi Zlatan Ibrahimovic, Antoine Griezmann

Ma aqaano cid ka socota Real Madrid. Oh, Raphael Varane, haa, iyo Zidane, haa. Wuu lahadlaa”

Haddaba wargeyska Sport ayaa shaaca ka qaaday In Man Utd aysan ku heli doonin qiimaha sarre oo ay ku dalbatay ciyaaryahanka khadka dhaxe sabab la xiriirta hoos u dhaca uu sameeyay xili ciyaaareedkaan.

Lama oga sida Real Madrid ay kaga jawaabi doonto dalabka lacageed oo ay Man Utd duldhigtay madaxa Paul Pogba.