Puntland oo War kasoo saartay baarlamaanka cusub ee Jubbaland

Maamulka  Puntland ayaa hambalyo u diray  Xildhibaanada Cusub ee Baarlamaanka Labaad ee Jubbaland, sidoo kale Puntland waxay bogaadinaysay sida ay u socoto hanaanka Doorasho ee Jubaland.

Dowladda Soomaaliya ayaa si weyn uga soo horjeedda xildhibaanada Cusub ee Jubbaland iyo Hanaanka ay ku socdaan doorashooyinka maamulka Jubbaland.