Philippe Coutinho oo u dhaqaaqi doona Kooxda Bayern Munich

Laacibka qadka dhexe ee kooxda Barcelona Philippe Coutinho ayaa lagu soo waramayaa inuu u muuqdo mid bartilmaameed u ah kooxda Bayern Munich.

Inkasta oo uu 19 bilood uun joogo Camp Nou, haddana Coutinho ayaa diyaar u ah inuu baxo xagaagan iyada oo Barcelona ay raadineyso sidii ay kor ugu qaadi lahayd ay kusoo qaadanayaan Neymar.

Coutinho ayaa umuuqda inuu leeyahay waqti kale isagoo iska diiday fursad uu ugu biiri lahaa kooxaha ka dhisan Premier League xili ciyaareedkaan.

Si kasta ha ahaatee, sida ay sheegayaan wararka ka imanaya dalka Spain, kooxda Bayern ayaa ku wargalisay kooxda Barcelona in ay daneynayaan in ay heshiis la galaan xiddiga reer Brazil.

Kooxda heysata horyaalnimada Bundesliga ayaa isha ku heysa inay la soo saxiixato ciyaartoy cusub oo hal abuur leh oo awood u leh inay ka ciyaaraan garabka ka dib markii ay ku guuldareysteen inay soo qaataan Leroy Sane oo u ciyaara Manchester City.

Coutinho ayaa mar kale go’aan uu ku saabsan mustaqbalkiisa qaadan doona, isagoo hore u sheegay inuu doorbidi lahaa inuu u dagaallamo booskiisa Barcelona.