Waxaa maanta la baaray 11 qof kuwaas oo dhamaantod laga waayey xanuunka safmareenka ah ee Covid19. Maanta waxay noqnaysaa markii ugu horaysay ee aan wax xaalad cusub ah laga helin Puntland tan iyo markii la bilaabay baaritaanka xanuunka ee bishii April 2020.
Waxaa maalmihii lasoo dhaafay muuqatay inuu hoos u dhac ku yimi tirada dadka laga helayo xanuunka, taas oo aan loo sababayn karin in xanuunki yaraaday lakiin muujinaysa mira dhalka dadaalki ay wasaaradda caafimaadku ku bixisay yaranta iyo xakamaynta xanuunka safmareenka ah ee Covid-19 iyo wacyiga dadka reer Puntland oo isna kor u qaadmay dadkuna ay baranayaan sida looga hortago xanuunka iyo sida loo mareeynayo dadka xanuunku haleelay.
Masuuliyiinta wasaaradda caafimaadka oo uu hogaaminayo wasiirka wasaaradda Dr Jamac Farax Xasan ayaa ku guulaystay in kor loo qaado guud ahaan bixinta adeegga caafimaadka gaar ahaana tan la xiriirta xanuunka safmareenka Covid-19, waxayna wasaaradu waqti badan gelisay sidii dadka loo wacyi gelin lahaa loona diyaarin lahaa adeeg caafimaad oo ku filan baahida xaalada adag ama khatarta ah ee xanuunka Covid-19
Tirada guud ee dadka xanuunka laga helay Puntland ee shaybaarku xaqiijiyey ayaa hada gaartay 334 qof, waxaa udhintay 8 qof waxaa ka bogsaday 158 qof.



