Puntland oo lagu qabtay dad faafinaayay cudurka HIV

Magaalada Garowe ee xarunta Maamulka Puntland, ayaa la sheegay in lagu qabtay dad faafinaayay xanuunka HIV, kadib markii ay gacanta ku dhigeen Hay’adaha ammaanka Puntland.

Sida uu sheegay Agaasimaha Hay’adda la dagaalanka Cudurka Aids-ka ee Puntland dadka la qabtay ayaa kala ahaa Haweenay iyo ruux rag ah, kuwaasi oo la ogaaday inay qabaan Xanuunka HIV, kadib baaris lagu sameeyay.

Agaasimaha hay’adda PAC Dr.Cabdi raxmaan Saciid Dhagaweyne ayaa sheegay dadka la qabtay si ula kac dad kale inay u qaadsiinayeen cudurka Aidska.

Dr. Cabdiraxmaan Dhagaweyne ayaa wacad ku maray in cadaalada la horkeeni doono dadka ku kacay falkaan, wuxuuna Hay’addaha Garsoorka ugu baaqay inay sharciga mariyaan dadka falkaan ku kacay, si ay jawaab ugu noqoto cid walba oo ku haminaysa bulshada ku dhex faafiso cudurkaan.

Waxa kale uu sheegay dadka dhalinyarada ee isguursanaya in laga doonaayo inay isbaaraan ka hor inta aaney is guursan si ay u hubiyaan caafimaadkooda.

Dr. Cabdiraxmaan waxa kale uu sheegay dadka ay hayaan inay ka mid tahay Haweenay saddex nin guursatay iyadoo qabta xanuunka HIV, taasi oo uu sheegay inaysan u dhalan deeganada Puntland.

“Dadku aanu hayno waxaa kamid ah qof dumar oo aan Puntland u dhalan, taasoo qaad siiyay ilaa saddex rag oo ay guursatay.