Puntland oo joojisay dhammaan safarada xiliga habeenka ah ee Gaadiidka

Wasiirka Howlaha Guud & Gaadiidka ee maamulka Puntland Axmed Bashiir Muuse ayaa sheegay in la joojiyay dhamaan safarada xiliga habeenka ah ee Gaadiidka, kadib markii uu sheegay in uu burbur badan soo gaaray wadooyinka.

Wasiirka ayaa sheegay in  jiro wakhti roobaadkii, islamarkaana gaadiidka loo joojiyay sababo la xariira in aysan waxyeelo soo gaarin dadka Shacabka .

Waxaa uu sidoo kale sheegay Wasiirka in roobab xooggan ay da’ayaan, burburna soo gaarayo Wadooyinka qaar ee degmooyinka maamulka Puntland.

Waxaa mar kale Bu-bur soo gaaray wadada laamiga ah ee xiriirisa magaalada Boosaso & gobolada kale ee dalka, iyadoo ay maanta tageen Masuuliyiin ka tirsan Puntland.

Sido kale Qof ayaa ku dhintay 4 kalana waa ku dhaawacmeen kadib markii wadadu u go’day Xalay.