Wasaaradda Caafimaadka Puntland ayaa maanta dawo udirtay xarumaha Hooyada iyo dhalaanka Gobolka Nugaal iyo qayb kamid ah gobolka Mudug.
Agaasimaha guud ee wasaaradda caafimaadka Puntland Dr Abdirisaaq Xirsi Xasan ayaa ku wareejiyay isku duwaha gobolka Nugaal Mohamed Jamac iyo Hay’adda bisha cas oo gacanta ku haysa ilaa 17 xarumood oo hooyada iyo dhalaanka ah oo ku kala yaala gobolada Nugaal iyo Mudug.
Agaasimaha oo hadal kooban ka jeediyay marka qalabka iyo dawada loo dirayo gobolka Nugaal loo baahanyahay in xarumaha la gaarsiiyo lagana faa’iidaysto sida ugu wangsan.
Agaasimaha ayaa sheegay dawadaan inay tahay mid 3 bilood ee soo socota loogu talagalay inay xarumaha isticmaalaan.
Agaasimaha ayaa sidoo kale xusay in ka wasaaradd ahaan ay qorshaynayaan in ay dhamaan gobolada wada gaarsiiyaan dawooyinkan iskugu jira kuwa xarumaha hooyada iyo dhalaanka iyo sidoo kale mida Covid19.
Iskuduwaha wasaaradda gobolka Nugaal Mohamed Jama ayaa uga mahadceliyay wasaaradda dawooyinka maanta ay ukala dirayaan degmooyinka gobolka iyo xarumaha hooyada iyo dhalaanka.
Dhankeeda Nuura Abdiqaadir Mohamed oo ka socotay hay’adda Bisha Cas ayaa ugu mahadcelisay wasaaradda kuna amaantay in dawooyinkaan oo Unicef ay toos usiin jirtay ay wasaaradda la soo mariyo aana kala wareegno.


