Sacuudiga oo damacsan qorshe cusub oo la xiriira Xajka sanadkan

Sacuudi Carabiya ayaa laga yaabaa inay si weyn u xadiddo tirada dadka sanadkan imanaya Xajka, si looga hortago in cudurka Coronavirus uu sii faafo, kadib markii kiisaska safmareenkan ee dalkaas ay dhaafeen 100,000, waxaa sidaas sheegay ilo-wareedyo xog ogaal ah.

Qiyaastii 2.5 milyan oo qof ayaa sanad kasta taga magaalooyinka Makka iyo Medina, si ay usoo gutaan Xajka, waxaana Sacuudiga sanadkiiba kasoo gala dakhli dhan 12 bilyan oo dollar.

Sacuudi Carabiya ayaa bishii March weydiisatay Muslimiinta inay hakiyaan qorshyaashooda Xajka, waxaana illaa amar dambe ay hakisay Cumradii.

Mas’uuliyiinta ayaa rumeysan in ayada oo la raacayo hanaan aad u adag, la ogolaan karo kaliay 20% qoondada tirada dadka uu dal walba helo sanadkii, sida uu il-wareed kale u sheegay Reuters.

Qaar ka mid ah saraakiisha ayaa soo jeedinaya in gebi ahaan la baajiyo Xajka sanadkan, oo la filayo inuu billowdo daba-yaaqada bisha July, sida ay sheegeen saddex il-wareed oo kale.

Xafiiska warbaahinta dowladda iyo afhayeenka Xajka ee wasaaradda Xajka iyo Cumrada ayaa diiday inay ka jawaabaan su’aalo arrintan laga weydiiyey.