Maamulka Puntland ayaa si kulul uga hadlay dhibaatadda Ganacsatadda Magaalooyinka Garowe iyo Boosaaso ay ku hayaan dadka Shacabka ah ee ku aadan kala soocida Lacagta Shilinka Soomaalida.
Cabdiqafaar Sh Axmed oo ah Xoghayaha Dowladda Hoose ee Garowe ayaa sheegay in ay tilaabo adag ay ka qaadi doonaan dadka diidan Lacagta Shilinka Soomaaliga ee ku sugan Magaalada Garowe.
Waxaa uu sheegay sidoo kale in ay la xisaabtami doonaan gacantana ay ku dhigeen dadka Sameynaya Lacagaha been Abuurka ah ee lagu qasan degaanada maamulada Galmudug iyo Puntland.
Xoghayaha ayaa cadeeyey in ay jiraan dad soo daabaca lacago aan sharci aheyn, ayna doonayaan in ay sidaas ku socodsiiyaan, taas oo aysan marnaba ka aqbaleyn cidna oo ay talaabo ka qaadayaan.
Maamulka Dowladda hoose ee Garoowe ayaa sheegay Ganacsatada lacagaha diidaya ay la mid yihiin Al-shabaab,dowladdana gacan adag ku qabaneyso.
Maalmihii lasoo dhaafay ayaa Magaalooyinka maamulka Puntland , waxaa ka taagnaa jahwareer ku aadan qaadashada Shilinka Soomaaliga.



