Saddex Maalin oo keliya ayaa ku dhiman Waqtigii Xildhibaanada Puntland ay Madaxweynaha Puntland u qabteen in uu kusoo Magacaabo Wasiirada cusub ka dib markii Xildhibaanada ay kalsoonida kala laabteen Wasiirada Hore.
Wararka naga soo gaaraya Magaalada Garowe ayaa waxa ay sheegayaan in Madaxweyne Gaas uu Wasiirada cusub uu ku dhawaaqi doono Isbuucaan gudihiisa.
Wararka laga helaayo Madaxtooyadda ayaa sheegaya in Madaxweynuhu uu soo gabagabeeyay Wadatashiga qeybaha kala duwan ee Bulshadda kunool degaanada maamulka Puntland.
Qeybaha kala duwan ee Bulshadda ayaa horay Madaxweynaha uga codsaday in uu soo dadejiyo Magacaabista Wasiirada maamulkaasi.



