Puntland iyo Galmudug oo beeniyay war ka soo baxay Itoobiya

Gaalkacyo-RisaalaFM- Maamullada Puntland iyo Galmudug ayaa waxa ay beeniyeen in Itoobiya ay heshiis dhex dhigtay oo ku saabsan dagaalkii Gaalkacyo.

Dowladda Itoobiya ayaa sheegtay in saraakiil ka socda Itoobiya ay heshiisiiyeen maamullada Puntland iyo Galmudug oo dhowaan ku dagaalamay Gaalkacyo.

Wasiirka Amniga ee Galmudug, Cismaan Ciise Nuur (Taardhuleed), ayaa sheegay in uu jiro qorshe la doonayo in labada dhinac lagu heshiisiiyo, balse weli aysan kulmin.

Dhanka Puntland, Wasiirka Deegaanka, Cali Cabdullahi Warsame, ayaa tilmaamay in uusan jirin kullan dhexmaray labada dhinac iyo wax lagu heshiiyay.

Hadalladan ayaa imaanaya kaddib markii war lagu qoray bagga ay leedahay wasaaradda arrimaha dibadda ee Itoobiya lagu sheegay in dhinacyda ay qateen heshiiskan nabadeed.