Puntland iyo dadka kasoo jeeda Koonfur Galbeed oo heshiis dhexmaray

Iyadoo dhibaatada degaanada maamulka Puntland loogu geysato dadka kasoo jeeda gobolada Baay iyo Bakool ay sii kordhesay Sanadyadii lasoo dhaafay ayaa arintaasi waxaa xal ka gaaray Bulshada kunool degaanada Puntland ee kasoo jeedda Koonfur Galbeed iyo Mas’uuliyiinta maamulka Puntland.

Ka dib kulan ay la qaateen Madaxweyne ku xigeenka Puntland waxa ay soo saareen qodobadaani.

In labada bulsho is dhex-galaan,( waxaa soo galaya guurka, dhaqanka iyo deegaan ahaansho)

In ammaanka si wadajir ah looga shaqeeyo oo loo simnaado iyo In la is aamino.

In shacabka Baay iyo Kakool ee ku nool Puntland ay leeyihiin xaquuqda lamid ah shacabka Puntland, iyagana laga helo wixii xuquuq ah oo lagu leeyahay.

In wixii dhibaato ku ah dalka iyo dadkaba la iska qabto, sidoo kalena in wax laga qabto wixii ay tirsanayaan dad kasoo jeeda Bay iyo Bakool.