DHAGEYSO: Dowladda Jabuuti oo qabatay Maraakiib waday Kalluumeysi Sharci daro ah

Dowladda Jabuuti ayaa shaacisay in ay gacanta ku dhigtay Maraakiib si sharci daro ah uga kalluumeysanaayay Xeebaha dalka jabuuti.

Agaasimaha Wasaaradda kaluumeysiga Jabuuti Axmed Nagaal Jibriil oo la hadlay Warbaahinta ayaa waxaa uu sheegay in Maraakiibtaan laga leeyahay dalka Shiinaha.

Sidoo kale waxaa uu xusay in Maraakiiibtaasi tilaabo adag laga qaadi doono.

Waxaa uu sheegay in Ciidamada Badda dowladda Jabuuti ay gacanta ku dhigeen Maraakiibtaasi.

Axmed Nagaal Jibriil ayaa ugu dambeyntii sheegay in Maraakiibtaasi la dul dhigi doono ganaax adag.