Kooxda PSG ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqday in ay dhamaystirtay xdiigii kooxda AS Roma ee Alessandro Florenzi kaas oo qayb ka noqonaya mashruuca dib u qaabaynta markale ay maamulka PSG ka doonayaan kooxdooda.
PSG ayaa qalbi jab kala kulantay finalkii UEFA Champions league ee Bayern Munich laakiin waxay doonayaan in ay horumarkii ay sameeyeen halkiisa ka sii wadaan oo ay kooxdooda xoojin kale u sameeyaan.
Maamulka PSG ayaa gabi ahaanba badalay siyaasadii suuqa kala iibsiga ee ay lacagaha badan ciyaartoyda ugu kharash garayn jireen iyaga oo tan iyo xagaagii la soo dhaafay bartilmaameedsanayay ciyaartoy ay qiimo hoose ku heli karaan balse kooxdooda saamayn fiican ku yeelan kara.
PSG ayaa AS Roma u gudbisay dalab amaah ay ugu qaadanayso Alessandro Florenzi kaas oo ay ka bixinayaan 1 milyanoo yuro laakiin waxay PSG haysataa in dhamaadka xili ciyaareedkan ay Florenzi si rasmi ah ugula wareegi karto 9 milyan yuro oo kaliya.
Markii uu heshiiska amaahda ah ee ay PSG sida rasmiga ah ugula saxiixan karto qalinka ku duugay ayuu Alessandro Florenzi dareenkiisa ka hadlay wuxuuna yidhi: “Xaqiiqdii anigu waan u han waynahay in aan noqday ciyaartoy Paris Saint-Germain ah”.



