Ciidanka Nabadsugida Jubbaland oo soo bandhigay waxyaabaha Qarxa

Ciidanka Nabad-sugidda iyo sirdoonka Dowlad goboleedka Jubbaland ayaa soo bandhigay Bambooyin  Al-Shabaab ku qarsadeen dhul bacaad ah oo katirsan xaafadda Farjanno ee magaalada Kismaayo sidda lagu sheegay War kasoo baxay taliska NISA ee Jubbaland.

Howlgalkan ayey ciidanku qaadeen kadib markii dadka deegaanka ay kusoo wargeliyeen in walxahan qarxa oo ay Al-Shabaab maleegayeen in ay shacabka ku dhibaateen in ay arkeen goob ay Al-Shabaab ku qarsadeen Bambooyinkaan halista ah.

Saraakiisha ciidanka nabad-sugidda Jubbaland ayaa shacabka uga mahadceliyey sida ay ula shaqeeyaan ciidanka, waxayna ku booriyeen in ay feejignaan dheeraad ah muujiyaan maadaama Amniga Kismaayo uusan wanaagsaneyn maalmihii lasoo dhaafay.

Ciidanka kala duwan ee Dowlad goboleedka Jubbaland ayaa kordhiyey howlgalada Magaalada Kismaayo tan iyo markii ay bilowdeen Qaraxyadda iyo weerarada ka dhacaya Magaalada Kismaayo.