PSG oo ku dhawaaqday bixitaanka Jese Rodriguez & Liverpool oo heegan gashay

Tababaraha kooxda Paris Saint-Germain Unai Emery ayaa qiray in Jese Rodriguez ka tagi karo caasimada Faransiiska inta lagu jiro bishan janaayo.

Jese, oo PSG kaga yimid Real Madrid xagaagii la soo dhaafay, waxaa kaliya uu saftay sagaal kulan xilli ciyaareedkan, laakiin waxaan uu ka tagi doonaa horyaalka Ligue 1 kooxda heysata bishaan Janaayo.

Las Palmas, Roma, Milan iyo Liverpool ayaa dhamaantood lala xiriiriyaa xiddiga reer Spain ee weerarka ka ciyaara.

macalin Emery ayaa sheegay in ay jirto fursad xoogan oo uu doonayo xiddigan inuu kaga dhaqaaqo kooxdiisa inta uu fursan yahay suuqa kala iibsiga ciyaartooyda.

Isagoo ka hadlayay shirkiisa jaraa’id ayuu yiri: Jese waa inuu ciyaaraa. markasta sida uu doonayo sidaas darteed waxa uu ka tagi doonaa kooxda.