Antonio Conte oo jawaab culus siiyay Wenger iyo Mourinho

Tababaraha kooxda Chelsea Antonio Conte ayaa u jawaabay tababarayaasha ay ku  xafiiltamaan horyaalka Ingiriiska ee Morinho iyo Wenger, kuwaas oo horay u sheegay in Chelsea loo fududeeyay ciyaarista Boing Day-ga, iyadoona hadda Blues ay ku naaloneyso hpgaanka sare ee Horyaalka.

Kooxda tababaraha reer Talyaani ayaa kooxdiisa u safri doonta garoonka White Hart Lane kooxda ku ciyaarta ee Tottenham Arbacada caawa ah, iyagoona og inay hogaanka sii dheereysan karto Chelsea, kooxda ugu dhow ayaana ah Liverpool oo ay sideed dhibcood ka sareeyaan.

Arsenal ayaa laba dhibcood ku lumisay kulankii xalay ee Bournemouth la ciyaareen, iyagoona la galay barbardhac  3-3 ah.

sidoo kale, Jose Mourinho,  ayaa sheegay inuu rajeynayo in kulanka Chelsea iyo Tottenham, ay Blues ku lumin doonto dhibco, isgoona sidoo kale sheegay in Chelsea loo fududeeyay ciyaarista kulamada is xigxigay.

Conte ayaa yiri:  “Wenger iyo Mourinho, kaliya waxay ka maseyrsan yihiin qaab ciyaareedka kooxdiisa Chelsea”.

Si kastaba, Conte kooxdiisa ayaa haddii ay caawa ka badiso Toteenham waxay gaari doontaa 14 guul oo xiriir ah, iyadoona rikoorka ay Arsenal horay u dhigtay jabin doonta.