Ciyaariyahan-ka Heerka caalami ee Belgiumka ayaa markale shaki weyn ku jiraa mustaqbalkiisa kooxda Chelsea isagoo aan weli saxiixin wax hishiis, Blues ayaa diyaarineysa hishiis cusub oo ay doonayaan in isbuucii mushaar ahaan u siyaan adduun lacageed gaaraayo £300,000 kasoo laga yaabo in uu baaqi ugu sii ahaado waqooyiga London.
Psg Ayaa waqti badan ku raad joogta doonista Eden Hazard kasoo ay jeceyl badan u qabaan taageerayaasha kooxda Psg waloow uu horay ugu soo ciyaaray horyaalka France gaar ahaan kooxda Lille.
Real Madrid ayaa qeyb ka ah kooxha xiisa badan u qaba la saxiixashada Eden balse Chelsea ayaa weli ku adkeesaneysa in ay Hazard kooxdooda ku sii Celiyaan maadaamada uu yahay Hogaamiyaha kooxda.



